Baardheere:Hay,adaha SADO iyo ACTED oo Dad ka badan ilaa kun qoys u qeybiyey Gargaar Xaga Hoyga iyo Nadaafada(Dhageyso+Sawirro)

Ilaa kun shan Boqol oo qoys oo ka mid ahaa Qoysaskii ugu darnaa ee waxyeelada ay ka soo gaartey Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba bishii abriil ee la soo dhaafey ayaa ka faa,ideystey gargaar xaga hoyga iyo nadaafada oo maal mahii ugu dambeeyey loogu qeybinayey gudaha magaalada,Qaar ka mid ah Tuulloyinka iyo Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka Baardheere.

Maxamed Cabdi Nuur Xaashi oo ka mid ah Howl wadeenada Xafiiska SADO ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay gargaarka ay gudoonsiinayaan Qoysaskan faraha badan inuu yahay mashruuc looga jawaabayo gargaarka deg dega ah oo loogu tala galay dadka ay saameynta ku yeelatey Fatahaadii webiga Jubba ee Mara Baard heere,kuwaasi oo uu sheegay in ay gaarayaan ilaa 1500 oo qoys.

Gargaarkani oo isugu jira isugu jira Maro kaneecooyon,bustayaal ,Bacaha guryaha la saarto,Baaldiyo,Jirgaamo,Saabuun,Sijaayado,Xargo,Badeelo,Daawada Biyaha lagu sifeeyo iyo Qalabka Caafimaadka ee Dumarka ayuu sheegay ujeedkiisu inuu ahaa sidii dadka dhibaateysan looga caawin lahaa adeegyada xaga nolosha sida hoyga iyo Nadaafada ,waxaana iska kaashadey ayuu yiri Hay,adaha SADO iyo ACTED oo dhaqaalo ka helaya Hay,dda START FUND NETWORK ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Xuseen Cabdulaahi Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ayaa waxaa uu sheegay gargaarka noocani oo kale ah inuu ahmiyad balaaran uu u leeyahay dadka danyarta ah ee ay waxyeelada ka soo gaartey Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba.

Qaar ka mid ah Qoysaskii ka faa,ideystey gargaarkani ayaa waxay sheegeen in wax weyn uu ka bedelayo noloshooda,maadama helitaanka Qalabkani kale gedisan ay baahi weyn u qabeen.

Axmed Cumar Saalixi

Baardheere/Gedo

Saalixi77@gmail.com